Skip links

XUBNAHA GOLAHA SARE EE URURKA OO QAYB MUHIIM AH KA QAATAY QORSHAHA DIBU-EEGISTA MASHRUUCA HORUMARINTA DEGMOOYINA EE UN-JPLG 2023 IYO DAJINTA QORSHAYNTA MASHRUUCA EE SHANTA SANO EE SOO SOCOTA 2024-2029

Garowe: 5th – 6th Dec 2022: Xubnaha Sare e Ururka Dowladaha hoose ee Puntland (ALGAPL) oo ay hogaaminaayaan Gudoomiyaha Ururka mudane Abdikadir Mohamed Mohamud (Geedi) iyo Gudoomiye ku-xigeenka Ururka mudane Sayid Mohamud Hersi, ayaa ka qayb galay shirka dib u eegista Mashruuca horumarinta Degmooyinka ee UNJPLG.Shirkaan ayaa u jeedkiisu ahaa dib u eegista Mashruuca horumarinta Degmooyinka ee UNJPLG wajigiisi 3aad oo gaba gabo maraya, iyadoo la isla eegayo waxyaabihii qabsoomay, caqabadihii jiray iyo sida lagu dhamaystiri karo wajiga 3aad ee mashruuca 6da biloood ee dhiman. Sidoo kale, shirkaan inta uu socday waxaa looga dooday qaabaynta sida uu noqon doono wajiga 4aad ee Mashruucan.Gudoomiye ku-xigeenka Ururka mudane Sayid Mohamud Hersi oo kalmad kooban ka jeediyay shirka ayaa cadeeyay faaidooyinka laga dhaxlay mashruuca UN-JPLG mudadii uu socday, isaga oo xusay in siyaabo kala duwan looga faaidaystay oo ay kamid yihiin wadooyinka, samaynta siyaasado iyo kor u qaadista aqoonta shaqaalaha dowladaha hoose.Agaasimaha Ururka Dowladaha hoose ee Puntland (ALGAPL) oo madasha ka jeediyay warbixin kooban oo ku saabsan waxqabadkii Ururka sanadka dhamaanaya, qorshayaasha sanadka soo socda, sidoo kalena xusay siyaabaha kala duwan uu Ururku uga qayb qaadan karo dadaalada socda ee wax looga qabanaayo: 1. Is bedelka cimilada, 2. kor u qaadista dhaqaalaha loo dhanyahay 3. Kor u qaadista wacyiga bulshada ee la xiriira bixinta canshuuraha si degmadu ay awood ugu yeelato bixinta adeegyo tayo leh oo gaara dhamaan bulshada ku dhaqan Degmada.

Leave a comment

This website uses cookies to improve your web experience.