URURKA DOWLADAHA HOOSE AYAA KU QABTAY MAGALADA GAROWE KULAN UJEEDKIISU AHAA IN LAGUSOO BANDHIGO SIYAASADAHA, XEERAARKA IYO HABRAACYADA JIRA EE KHUSEEYA ARIMAHA MAARAYNTA MUSIIBOOYINKA
Garowe: 20 – 21 Nov 2022: Ururka Dowladaha Hoose ee Puntland (ALGAPL) ayaa Garowe ka daahfuray kulan socon doona labo cisho oo ujeedkiisu yahay in lagusoo bandhigo siyaasadaha iyo habraacyada jira ee maaraynta musiibooyinka, kulanka oo ay kasoo qayb galeen hay’addaha ka shaqeeya arimaha kahortaga iyo maaraynta musiibooyinka sida Wasaarada Gargaarka iyo maareynta musiibooyinka, Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dimuqraadiyeynta, Wasaarada Deegaanka iyo is bedelka cimilada, Wasaarada beeraha, Ururada bulshada rayidka ka ah, saxaafada iyo Degmada Garowe oo kamid ah Degmooyinka mashruuca DANWADAAG ka faaidaysanaya, si ay dood uga yeeshaan siyaasadaha jira ee khuseeya maaraynta musiibooyinka, muujiyaan daldaloolada jira iyo sida ugu sahlan ee lagu horumarin karo.Agaasimaha Guud ee wasaarada Gargaarka iyo maaraynta musiibooyinka mudane Hashi Hussein Farah oo kulanka si rasmi ah u daahfuray ayaa dhamaan masuuliyiinta kulanka kasoo qayb galay kula dardaarmay in kulanka aragtiyaha kasoo baxaya ay noqdaan kuwo waxbadan kusoo kordhiyaan dhamaystirka siyaasadaha jira si ay u noqdaan siyaasado wax ku ool ah oo dowr muhiim ah ka qaataan Kahortaga iyo maaraynta musiibooyinka.


